Wararkii ugu dambeeyey qarax lagu dilay Mas’uul oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay masuul katirsan degmada.

Guddoomiye kuxigeenkii Waaxda Afaraad ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inuu geriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lala beegsaday Gaari uu watay.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo kale, iyada oo dhowr jeer  meelo kamid ah waddooyinka gala degmada Kaxda qaraxyo lavu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada degmada Kaxda igo degaanka Garasbaaleey.

Qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa haleelay Gaariga Guddoomiye kuxigeenka xilli uu marayay mid kamid ah waddooyin ka gala degmada kaxda.