Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa halkaas ka dhacay Qarax laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan Magaalada.

Qaraxaas ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayey wadada General Daa’uud ee kala qeybiso degmooyinka Yaaqshiid iyo Wart Nabadda.

Xilliga Qaraxa uu dhacayey waxay aheyd jidka mid mashquul badan oo gaadiidka BL-ka Dadweynaha raacaan iyo kuwa xamuulka ay isticmaalayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxaas loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah inkastoo warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa Qarax meesha lagu diyaariyey.

Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas culus ooda ka qaaday Ciidamadii AMISOM ee weerarka lala eegtay waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxa iyo rasaasta ay ciidamada AMISOM rideen.