Muqdisho-Ayaamaha-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Shilkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo Gaari nooca xamuulka ah,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa Mootada iyo Gaariga.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka shilkaasi ku dhintay ay kala ahaayeen Darawalkii Mootada iyo Oday iyo Cunug yar oo mootada saarnaa halka ay ku dhaawacmeen dad wadada marayay xilliga uu shilka dhacayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray halka uu shilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay Darawalka Gaariga iska roga ah, kaas oo isku dayay in uu Goobta ka baxsado.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Soddonka gaar ahaan agagaarka Ceel Tubaweyne oo ku yaalla inta u dhaxeysa Shakti Tailor iyo Isgoyska Fagax  ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir