MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar la sheegay in saaka Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ku leeyihiin Gudaha degmada Balcad.

Ciidamo ku sugan Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Degmada Balcad dhanka wadada ka timaada dhinaca degmada Afgooye ayaa weerar lagu qaaday waxaana halkaasi ka dhacay dagaal waqti socday.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka,waxaana dadka degmada Balcad ay sheegayaan in waaberigii hore ee saaka uu weerarka halkaasi ka dhacay.

Majirto masuul.katirsan Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha Ciidamada Millateriga oo ka hadlay weerarkan.

Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa howlgal ka wadaan duleedka Galbeed ee degmada Balcad.