MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu fuliyey ruux isku xiray jaakadda qaraxyada

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo rayid ahaa iyo qofkii is-qarxiyey, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kooban oo ka dhashay qaraxaasi, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda ci sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudah caasimadda.