Diyaarad rakaab ah Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay hawada ku jirtey.

 

Diyaarada ayaa waday rakaab gaaray 149 ruux iyo 8 shaqaalaha diyaarada ah ayaa saarnaa waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Afhayeen u hadlay dowlada Ethiopia ayaa sheegay in diyaarada ay burburtay 08;44 kadib markii ay ka duushay caasimada Ethiopia.

Dadaalo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada ayaa bilowday balse lama oga in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada.