Muqdisho-AyaamahaWararka laga heleyo Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Dab xoog leh uu ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dabkan oo aad u xooggan  ku sii fidayao deegaano horleh sido kalana ay socoto dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu damiyo Dabkaas.

Sidookale dadka ku nool duleedka magaalada Laas-caanood ayaa warbaahinta u sheegay in uu bilowday barakac si uusan u saamayn dabkaas ka kacay Dooxada magaalada.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay in uu kaco Dabkaan hase’ahaatee waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu daminayo dabka ka kacay Dooxda Magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.