WARBIXIN-“Arrintaan oo kale haddii ey dhacdo waa khiyaano Qaran”

Xiriirka iskaashiga Saddax geesoodka ah ee Somalia, Ethiopia iyo Ertheria
“Tripartite agreement” ee la isaga kaashanayo dhinaca Nabadgalyadu waxa uu bilaawday 5 Sept 2018. kii 2baad 8 Nov 2018, kii 3aad 27 jan 2020, kadibna October 2020 in kasta oo ey jireen shirar kale oo dhaxtaal ahaay.
In Ertheria Ciidamo loogu qaado tababar waxa ey bilaabatay Sept 2019. waxaa loo qaaday 600 Asgari, waxaa lagu qiyaasayaa in kadibna qaar kale loo qaaday oo gaarayo 1500 , waxaa dib Dalka loogu soo celiyay 500-600 kuwaa oo 110 ka mid ah la geeyay Gobalka Gedo.
Waxaa lagu heshiiyay in kharajka tababarka ey Dowlad waliba iska bixiso. Somaliya waxa ey weydiisatay Dawladda Qatar in ey ka bixiso kharajka, laakin Qatar si Cad ayeey u diiday in Lacag ey ku wareejiyo Ertheria oo Ciidamadeeda ey imaaraadku maamulaan.
kadibna Ethiopia ayaa Ballan qaaday in ey naga bixineyso kharajka, iyadiina ma bixin, balantiina waa nooga baxday.
kadib waxaa lagu kulmay Shirkii “Tokyo international conference for African Develpment”. ( TICAD) ee 28/8/2019, kaa oo 20 Madaxweyne oo Afrikaan ahi ey ka qeyb galeen. markii Shirkii dhamaaday ayaa wafdigii Somalia ee Md. Farmajo hogaminayay, kii Ethiopia ee Abiy Axmed uu hogaaminayay iyo kii Erthria ee Wasiirka Arrimaha dibadda Osman Salah uu hogaaminayay wax ey soo aadeen Asmara ,si loo sii wado Heshiisyadii.
Sept 2020 ayaa la go’aamiyay in Ciidamada dhamaan loo soo qaado Somalia, Dowladda UAE oo Gacanta ku heysay Ciidamada Erithrea ayaa laga codsaday in ey Soo daabushu iyadiina waa diiday Dayaaradihii lagu soo qaadi lahaa kharajkooda in ey bixiso, sababta oo aheyd Arrima Siyaasadeed oo ey kula taliyeen Wadamo Reer Galbeed ah , oo ka shakisnaa in Ciidamadaa haddii la keeno Somalia loo isticmaali doono Doorashadii Somalida oo markaa la sugayay in ey bilaabato daba yaaqadii Sannadkii 2020.
Dhinaca kale Oct. 2020 Ethiopia waxa ey bilawday Diyaargaroowgii Dagaalkii tigreega, waxa eyna Erthria kala hadashay Heshiiskii isbaheysiga 3 geesoodku in ey ka qeyb qaato. laakin arrintaa Somaliya aad loogama tixgalin.
Haddii Ethiopia ku guuleysan leheeyd Ciidan ahaan oo kaliya, waan ku faani leheeyn Anaguna Guusha isbaheysigaa Saddax geesoofka. Laakin hadda Ciidamadii waxaa Caalamku ku eedeeyay xasuuq Dad shacab ah, kadibbnna waa la waa inkiray si aan cidna loogu eedeyn in Ciidamadoodu ey xasuuqa ka qeyb qaateen, Ethiopia waxa ey inkitay xasuuqii, Somalia iyo Ethriana waa inkireen in ey Ciidamo u direen.
22 Jan.2021 Ethiopia waa beeniyeen in 370 Asgari oo Somali ah la geeyay tigray, waxaana beeniyay Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Dina Mufti, dhinaca Somalia waxaa beeniyay Wasiirka warfaafinta Osman Abukar Dubbe 20.Jan.2021 in 100 Asgari oo Somaliya la geeyay Magaaalda Mekhelle ee Gobalka Oxum .
Wasaaradda Gaashaan dhiguna waxa ey muujiday in eyna ka warqabin Beetnintaa kadib waxaa soo baxay warar kala duwan oo Arrinta Ciidamada ku saabsan, sida warbixintii UN ee 17ka Bog aheyd iyo in 28 Asgari oo somali ah lagu aasay Dhabarka dambe ee Kaniisadda “Orthodox church” markii Laba Asgari oo Somali ahi oo dhaawac ahi ey codsadeen in sida Islaamku farayo loo aaso Asgartooda dhimatay, waana laga Aqbalay.
Ma ahan in masuuliyiintu ey inkiraan ama ka aamusaan xasuuqaa dhalinyatada. Arrintaan oo kale haddii ey dhacdo waa khiyaano Qaran, Dowladaha ayaa isku casilo, waana la isku maxkamadeeyaa.
ugu yaraan 15 ka mid ah waxa ey ahaayeen dhalin yaro aan shakhsiyan aqiin, ma ogi xaalkoodu halka uu ku dambeeyay, aad ayaan uga murugeysanahay. Ka fikir arrintaan in ey Adiga, walaalkaa, wiilkaaga ama waalidkaa ey ku dhacdo
Erthria waxa ey ka faa’iiday:
1.Erithrea kharajkii ey ku tababartay waa deyn ey nagu leedahay.
2. Asgartoodii Gobalka Tigreyga ka dagaalamayay ayeey Miina baar uga dhigteen kuwa somalida,
3. Waxa ey ka dhigteen Xoog Lacag la’aan ah oo u dhiso dhismooyin culus sida Waddooyinka.
4. kuwii ku dhintay Dagaalku Xuquuq kuma leh.
soo jeedin waxaa ila haboon, In loo diro wafdi soo celiyo intii badbaaday,
ugu yaraanna ka kooban: 1 wasiir. 1 Janaral.1 Qareen. 1 Waalid. 1 Ururada bulshada. 1 police CID, 1 wariye iyo Kor joogaayaal Caalami ah. (F.S: 1-4aad)
Intii ku dhimatay Dambigooda Alla ha u Cafiyo janatul fardoosa Allaah gurigooda ha ka dhigo. inta Jabuuti Nolol ku soo gaartay, inta dhaawacaa iyo inta noolna Dalkooda si Nabad ah Alla ha ugu soo celiyo. Aamiin.
FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir