Xog aan heshay ayaa sheegeysa in Kulan albaabada u xiran yihiin ay xalay Madaxtooyada Soomaaliya ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Xildhibaaanda Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan xalay kadhacay Villa Somalia oo xasaasi ahaa ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu tala galay inuu ku xaliyo Khilaafka iyo Xiisada ka dhex taagan Xukuumadda Kheyre iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada u xaqiijiyey in niyad jab ay ku tahay Shacabka Soomaaliyeed oo rajo Dowladnimo ah ay gashay inay arkaan Buuq iyo is qabqabsi u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday sida uu inoo sheegay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada in si hoose loo dhameeyo arrintan sidoo kalena xal deg deg ah laga gaaro Khilaafka ka dhex taagan Guddoonka Golaha Shacabka oo ku kala qeybsamay kala diristii Guddigii Maaliyada.

Dood badan oo ay Xildhibaanada ka keeney Awooda uu Madaxweyne Farmaajo siiyay Ra’iisul wasaare Kheyre iyagoo qiray in Ra’iisul wasaarayaashii ka horeeyay aysan laheyn awood ay ku maamulaan Madaxtooyada iyo Hay’addo kale.

Xubnahan kamid ah Xildhibaanada ayaa sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyay inuu faragalin qaawan ku hayo Arrimaha Golaha Shacabka isagoo u adeegsanaya qaar ka mid ah Guddoonka Golaha Xildhibaano badan iyo qaarkale ee Golahiisa wasiirada kamid ah.

Farmaajo waxaa uu sheegay in tabashooyinka ay qabaan Xildhibaanada qaar Kheyre ay Madaxtooyada Soomaaliya ka qancineyso laakiin wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay dadaalka ay wado Xukuumadda inuu hakad galiyo Baarlamaanka oo waliba soo saaray Warbixin aan cadeymo badan keeneen.

RW Kheyre ayaa hore xiriirka ugu jaray qaar ka mid ah Xilhibaanada Baarlamaanka ka dib balanqaadyo uu sameeyay uu ku guul dareystay inuu fuliyo waxayna arintaasi keentay inay ugu hanjabaan in cadaadis ay saaraan Golaha Xukuumadiisa.