MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa dhowr jeer waxaa lagu soo qaaday weerar madaafiic ah, kaas oo laga soo rido duleedka magaalada, waxaana madaafiicdaas magaalada ku garaaca Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duleedka magaalada ayna madaafiic si joogto ah ugu garaacaan xaafadaha magalaada oo dhawaan dagaal ku qabsadeen ciidamada Soomaaliya.

Madaafiicda ay Al-shabaab ku garaacaan magaalada ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac dadka Shacabka ah mana lahan magaalada xarumo caafimaad.

Sidoo kale janaale  malahan waddooyin furan oo laga bixi karo ama laga soo geli karo xiliyada ay jirto dhaawacyo u baahan in ladaweeyo, sababtoo ah majirto wadooyin looga baxa magaalada.

Warar madax-banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in 24-kii saac ee ugu dambeysay madaafiic magaalada ku soo dhacday ay ku dhaawacmeen 11 qof, waxaana u dhintay laba kamid ah dadkaas.

Dhaawacyada ayaa wali yaalla xaafadaha magaalada mana helin daryeel, sidoo kale qaar kamid ah dhaawacyada ayaa lug looga bixiyay magaalada ilaa masaafo fog waxaana la geeyay magaalada marka oo markii Janaale laga bixiyay gaadiid laga saaray duleedka magaalada.

Janaale waa magaalo qurux badan oo dul-hoganayo dhiig iyo dhimasho. Dadka degaanka ayaa dowladda ka dalbaday in xarumo caafimaad loo dhiso oo deg deg ah iyo magaalada laga durjiyo Al-Shabaabka soo weeraraya lana furo waddooyinka.