Muqdisho-Ayaamaha-22-kii bishan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, taasoo aheyd markii labaad oo Golaha ay hal mar bedelaan afarta Taliye Ciidan laga soo bilaabo bishii April ee sanadkii 2017, labo bil kaddib markii Madaxweyne Farmaajo la doorto.

Dad badan ayaa tallaabadaas u arkay is bedel bilow ah oo qeyb ka aheyd qorshayaasha Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan dib u dhiska iyo xoojinta Talisyada Ciidamada Qalabka sida oo marti u noqday sanadihii dambe is bedelo aan kala joogsi aheyn.

Hase ahaatee is bedelkii labaad ee maalin ka hor Golaha Wasiirada sameeyeen ayay dad badan siyaabo kala duwan uga hadleen, iyadoo tallaabadan ay ku soo aaday labo sano iyo bar oo uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo oo aanay weli helin is bedelkii dhabta ahaa.

Taliska Xoogga dalka.

Labadii sano ee u dambeeyay waxaa Taliskan isku bedelay illaa shan Taliye ciidan oo midba midka kale aan ka khibrad yareyn, horayna uga soo mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada, xilligii dowladdii Milateriga aheyd.

Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ka mid ahaa Taliyeyaashii la magacaabay sanad ka hor, waxaana xil ka qaadistiisa ay timid maalin ka hor xilligii uu Taliska qabtay, waxaana xil ka qaadistiisa ku soo aaday xilli Ciidamada xoogga dalka ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose kula wareegeen.

Is bedelka cusub ee ay haatan wajahday Taliskan ayaa ah in markii u horeysay Sarkaal dhalinyaro ah loo magacaabo, kaasoo ah Gen. Odawaa Yuusuf Raagge oo da’diisa lagu qiyaasay sodomeeyo, tababaro ciidan iyo waxbarasho ku soo qaatay dalka Turkiga.

adaxweyne Farmaajo ayaa horay u balan-qaaday in muhiimada koowaad ay siineyso dhalinyarada, iyadoo kala bar Hoggaanada Ciidanka xoogga dalka loo dhiibay Saraakiil dhalinyaro ah, taasoo loo arkay is bedelka jiilka cusub.

Taliska Booliska

Taliska Ciidanka Booliska ayaa la mid ahaa is bedelada joogtada noqday Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, laga soo bilaabo sanadkii 2017 waxaa la xilka laga qaaday Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyadoo lagu bedelay Jen, C/xakiin Daahir Saacid, waxaa uu ahaa ninka ugu waqtiga yaraa ee joogay hayay Taliskaas sanadkaas oo kaliya, lix bilood kadibna xilka waa laga qaaday.

Bishii February sanadkii 2018 ayaa Taliyaha Booliska loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed (Bashiir Ameeriko) oo muddo ka tirsanaa Hoggaanada Taliska Ciidanka Booliska, Mr Ameeriko ayaa muddo sanad iyo lix bilood hayay, waxaa lagu bedelay Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo ah nin horay uga soo shaqeeyay Talisyada kala duwan ee Ciidamada qalabka sida, sida Xoogga dalka, Nabadsugida iyo haatan oo Booliska madax ka noqday.

Taliska NISA

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waxay muddo sanad ku dhow aheyd Taliye la’aan, iyadoo Hoggaanka Taliskaas uu la wareegay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa Wariye hore, balse 10-kii sano ee u dambeeyay saameyn kala duwan ku lahaa Siyaasadda dalka

Mr Yaasiin ayaa noqday ninkii ugu waqtiga dheeraa ee Sii Haye ka noqda Hey’adda, waxaana mudadii uu xilkaas hayay la sheegay inuu is bedelo waa weyn ka sameeyay, sida is bedelkii weynaa ee Ciidamadii ka tirsana Hey’adda ee loo wareejiyay Booliska, dib u habeynta Hey’adda, in markii u horeysay Hey’addu yeelato muuqaalkeeda dhabta ah Ciidamo dhar cad ah oo la sameeyay, iyo soo celinta heybadii Hey’adda, mudada 10-ka bilood ee uu Kusimaha ka ahaa ayay dad badan u arkayeen inuu sameeyay hanaqaad wanaagsan, waxaana isagoo Sii Haye iyo kuxigeenka kaliya ka ahaa Hey’adda ayuu dib u habeyntaas waday, ugu dambeyn sanad kaddib oo uu maamulka Hey’adda soo waday waxaa uu noqday Taliye rasmi ah.

Inkastoo Fahad Yaasiin laheyn khibrad ciidan, hadana mudadii sanadka ku dhoweyd ee uu Hey’adda maamulayay ayaa loo arkaa in mudadaas ku jiray waxbarasho iyo aqoon kororsi shaqada Sirdoonka dalka.

Dad badan oo naqdiya siyaasaddiisa ayay ku tilmaamaan inuu yahay nin is qariya oo aan ka muuqan fagaarayaasha, sidoo kale ku dhex milan yahay arrimaha Siyaasadda, inkastoo uu yahay nin horay loo arkay, hadana muuqaalka cusub ee uu Taliska NISA ku soo kordhiyay inuu yahay nin aan ka soo muuqan warbaahinta, taasoo uga duwanaa Taliyeyaashii hore, waana hab ka mid ah hababka lagu garto Madaxda Sirdoonada Caalamka.

Taliska Asluubta

Taliska Ciidanka Asluubta, inkastoo dadka ay u yaqaanaan in Taliskan aanay saameyn badan ku laheyn dhaq dhaqaaqyada Ciidanka, marka laga reebo Maamulida iyo Ilaalinta Xabsiyada lagu xiro Maxaabiista, hadana waxaa Talis qunyar socod, labadii sano ee u dambeeyay waxaa soo maray afar Talis, oo labo mar uu ku soo laabtay Sareeye Guud Bashiir Goobe, tan iyo markii laga qaaday sanadkii 2017, inkastoo wax badan ka soo qabtay Taliskan, hadana waxaa waxaa saameysay habka awood qeybsiga ee loo yaqaano 4.5, oo uu xilkiisa ku waayay, maadaama Fahad Yaasiin oo ay isku saami yihiin uu noqday Taliyaha NISA.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu is bedelka badnaa tan iyo markii uu xilka laga wareegay labo sano iyo bar ka hor, waxaa la is weydiiyaa is bedelkan cusub inuu noqon doono kii ugu dambeeyay mise halkiisa ayuu ka sii socon doonaa, Taliye kastana uu habeen walba ku jiifan doono in subixii marka uu soo tooso warbaahinta ka maqlo.