Muqdisho-Ayaamaha-Maalmihi la soo dhaafay waxay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo ay ka mid ahaa magaalooyinka ugu nabdoon dallka Soomaaliya.

Jimcihi la soo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ee xaruunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday hoteel Madina oo horay loo oran jiray Cascaseey.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shir jaraaid ku faahfaahiyay dhacdada ayaa xaqiijiyay in 26 ruux oo halkaas ku geeriyootay ay ku jireen 9 ruux oo qurbaha ka tagay.

Waxaana dadki ku dhintay qaraxaasi ka mid ahaa shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid ahayd Suxufiyadda Hodan Naalleeye oo caan ka ahayd bulshada, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale.

Qaar ka mid ah dadki ku dhaawacmay qaraxaasi waxaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi si loogu soo dabiibo, iyada oo qaraxyada qaarkood ay xaaladdooda aad u liidatay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ku sagootiyay dhaawacyada la dhoofinayay.

Weerarka ayaa waxaa uu biloowday 6-dii fiidnimo, kaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-Shabaab, iyada oo uu dagaal saacada qaatay dhxemaray dableydii weerarka soo qaadday iyo ciidamada ammaanka kaddibna ay Ciidamada amniga Jubbaland ay weerarki soo afjareen waxaana halkaasi lagu dilay laba kamid ah dableydi weerarka soo qaadday waxaana gacanta lagu dhigay hal qof oo dhaawac ah oo dableyda weerarka soo qaadday ka mid ahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa dadka dhaawacyadu soo gaaray u rajeeyey in uu Alle u caafiyo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

Magaalada kismaayo ayaa waxay ka mid tahay maagaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya waxaana aad ugu yaraa qaraxyada marka loo bar-bardhigo magaalada Muqdisho.

.

Axaddi shalay ahaydna maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay qarax iyada oo qarax labaadna magaaladaasi laga maqlay..

Qaraxaasi oo la sheegay inuu hal qof uu ku dhintay shan qofna uu qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad yar oo lagu shaaho oo ku taala ka soo horjeedka xarunta Inji oo ay ka shaqeeyaan qaar kamid ah hay’adaha maamulka Galmudug.

Shanta qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in afar kamid ah ay ahaayeen, gabadh maqaayadda lahayd iyo sedex caruurra oo ay dhashay.

Qaraxaasi ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab waxayna sheegeen sida uu bartilmaameedku sida ay iyagu warkau dhigeen iney halkaasi joogeen saraakiil ka tirsan ciidanka balse ay dhicin.

Daqiiqado kaddibna waxaa magaalada laga maqlay qarax kale qaraxaasi oo ahaa mid ay boolisku sheegeen iney ka war heleen miino waddada dhinaceeda in la dhigay oo ay booliska soo saareen kaddibna ay booliska qarxiyeen.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee noociisa ah ee magaalada ka dhaca todobaadyo uun kadib markii ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidamada dawladda.

Magaalada waxa hadda ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halkaas oo uu kawado shirrar la doonayo in xal loogu hello kala qayb sanaanta ka jirta maamulka Galmudug.

Qaraxa Dhuusamareeb ayaa yimid maalin uun kadib markii qarax iyo weerar lagu hoobtay lagu qaaday hudheel ku yaalla bartamaha magaalada dekada leh ee Kismaayo halkaas oo lagu dilay 26 qof laguna dhaawacay dad ku dhaw lixdan qof.

Haddaba qaraxyadaasi magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ka dhacay iyada oo ay magaalooyinkaasi yihiin kuwa aan qarax looga baran oo badnaa maxaa xilligan ku soo beegay maxaana lagu macneyn karaa?

Sa’aashaasi waxaan weydiinnay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaarista ee Heritage:

“Waaxaa dhici karta hadda Kismaayo oo kale Dowladda Federaalka iyo maamulka meesha ka jira oo si isku diiddan iney iyaga iskuba diraan iney rabaan oo qoloba qolo tuhunto, oo qoloba qolo eedeyso ama iney arkeen in laga mashquulsan yahay amnigi oo siyaasad lagu mashquulsan yahay ay arkeen. Waxaana dhici karta iney kala jeedaan tan Dhuusamareeb iyo tan Kismaayaba iney weli nool yihiin oo dowladda iyo ajaanibta kale ee ay ishayaan ay dareensiinayaan iney nool yihiin weli kooxda Al-shabaab, ama dadkooda iney niyadda ugu dhisyaaan, ama iney fursada ka helaan meelahaasi oo ay arkeen dad ay bartilmeedsadaan iwm.”

“Meelihi amniga lagu tuhunsanaa sida Dhuusamareeb iyo Kismaayana waa iyaga hadda ka dhex kacay marka waxaa loo baahan yahay dadka amniga, siyaasadd iyo hoggaanka dalka lagu ogaa heer gobol iyo heer qaranba iney dhacdooyinkaasi ay cashar ka kororsadaan meesha in diiradda la saaro loo baahan yahay oo ah amniga dalka in la sugo isqabqabsiga iyo isku mashquuliddana ay fursad siineyso dadka amniga culeyska ku haya baa laga korosan karaa runti” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi.