Muqdisho-Ayaamaha-Maanta oo kale 3-dii Bishi December ee sanadkii 2009  waxaa Hotelka Shaamow ee Magaalada muqdisho ka dhacay qarax la sheegay in uu ahaa ismiidaamin,kaas oo ay ku geeriyoodeen dad u badnaa mas’uuliyiin,xilli ay halkaasi ka socotay Munaasad ay ku qalin jebinayeen Arday baratay culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jaamacadda Banaadir.

Dadkii ku sugnaa goobta waxa ay ahaayeen kuwo dhageysanayey khudbadaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah ka qeyb galeyaasha, marqura waxaa is badalay jawigii  ku dheehnaa farxada waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay Hotelkii, jawiga waxa uu noqday mid isku badalay murug.

Hotelka ayaa waxaa ka socotay Munaasabadda qalin jebinta Ardaydii Dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir, kuwaasi oo bartay  culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jamacadaasi, waxaana goobta ku sugnaa Arday faraxsan, Waalidiin, Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee Wasiirkii Tacliinta Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel, Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas u geeriyooday, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay Wariyeyaal Dhaqaatiir, Macalimiin, Arday iyo Waalidiin.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday arday, waalidiin iyo wariyeyaal ku sugnaa goobta munaasabada ay ka dhaceysay, qaraxaasi oo sababay dhimashada 30 qof.

Sidoo kale qaraxaasi waxaa ku geeriyooday  Wariyeyaal ay kamid ahaayeen Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyr Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaade ka tirsan  telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.