Baraawe-(Ayaamaha)-Wararka aan ka helayno Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed uu xilka qaadis ku sameeyay Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe.

Wareegtan ka soo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa xilkii looga qaaday Cabdullaahi Xuseen Cusmaan oo ahaa Maareeyihii Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso