Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa soo daabacay in Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD uu doonayay in arrinta badda loola macaamilo si gaar ah oo ka madax banaan arrimaha kale, si aysan u saamaynin mashaariicda kale ee horumarineed ee socda. Sidaas darteedna uu doonayay in xiriirka dublamaasiyadeed la hagaajiyo, arrinta muranka dhulbadeedkana ay noqoto ‘Budo Gaar u Tuman’.

Qoraal uu soo dhigay Dr Abiy boggiisa Twiiter-ka ku sheegay in laga wada hadlay wax uu ku tilmaamay “Isha khilaafka”, taas oo ay dad badan u fasirteen in loola jeedo dacwadda maxkamadda caddaalada adduunka taala.

“Isha Khilaafka” ayaa ah fasiraad kale oo loola jeedo xaraashkii ay dowladda Kenya sheegtay in Soomaaliya ay London ku xaraashtay ceelal shidaal oo ku yaala biyaha lagu muransanyahay, taas oo balse ay si joogto ah u beenisay dowladda federaalka.

Balse war kan Dr Abiy ka faahfaahsan waxaa tabiyay taleefishinka qaranka Itoobiya oo safarka ku wehliyay Ra’isulwasaaraha, wuxuuna faafiyay in labada dal ay ka wada hadleen arrinka muranka badda. Inkasta oo wadahadalkaas uu wax kasta noqon karo, taleefishinkana uusan sheegin in ay jiraan wax la’isku afgartay iyo in kale.

Hase yeeshee wuxuu si toos ah u burinayaa hadalkii madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa in aananba laga wada hadlin qadiyadda badda