Muqdisho-Ayaamaha-Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay Fatwadii uu gaalnimada ku xukmiyey Xasan Daahir Aweys Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ayaanle ayaa arimaha siyaasada waayihii dambe si dhaw ula socday,isagoo sheegay inay fariintaas kadib ay soo banaanbixisey in Shabaab badan oo Halis ah ay Jiraan wejiyo kala duwana ha yeeshaane.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AYAANLE KASAMEEYEY HADALKA WADAADKA XASAN DAAHIR AWEYS

Nin xabsi ku jira oo xukun ridaaya!

Waxaan saacadihi ugu dameeyay is weydiinayay malaha caqli bad naayaa qofki bixiyay “seef-labood”.!

Waxaan codsan lahaa wadaad walba yaanan caalim loo qaadan. Caalim walbana yaan caaddil loo qaadan.

Naguma cusba wadaaddo sharciga gacanta ku sita oo iyaga oo aan cidna wakiil ka ahayn fuliya. Laakin waxaa layaab leh, Sh Xasan Dahir oo la sheegay in uu dowladda u xiranyahay in uu qof kale xukun dil ah ku rido! Waa dhaqan aan horay loo arag oo muujinaya heerka fowdada dalkeenna.

Qofka oo xukun lagu rido iyada oo aan la wareysan, ama aan looga yeerin maxkamad waa dhaqan gurracan oo aan sal ku lahayn diin iyo bini’aadanimo.

FG. Waxaa muuqata in Al shabab aysan ahayn kuwa sheegta oo kaliya, balse ay jiraan shabaabyo farabadan oo halistooda leh.

Nabad-gala
Ayaanle