Hargaysa-Ayaamaha-Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku xiran magaalada Hargaysa ayaa maanta markale lagu wadaa in lasoo taago maxkamad si loo qaado kiiska lagu haysto.

Waxaa lagu haystaa wariye Coldoon  eedo ay kamid tahay kicin dadweyne iyo inuu ka shaqeeyay arrimo wax u dhimaya Madax-bannaanida Somaliland.

Lama oga tallaabada ay maxkamaddu qaadi doonto, balse dadweynaha Somaliland qaybahooda danyarta ah oo aad u cawin jiray iyo wariyaasha ay isku mihnadda ay yihiin ayaa dalbanaya in la sii daayo wariyaha.

Somaliland ayaa falal hanjabadaad iyo xarig isugu jira kula kaca shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha Soomaaliya.