Muqdisho-Ayaamaha-Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Idaacada Goobjoog ayaa saaka lagu xiray xarunta CID-da ee Muqdisho kadib amar ka soo baxay Hay,ada Dembibaarista.

Wariyaha ayaa waxaa dacwad ka gudbisay wasaarada Hidaha iyo tacalinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wariye Cali Aadan Muumin oo caan ka ah baraha bulshada ayaa saaka looga yeeray xarunta, iyadoona lagu wargeliyay in ay dacwad ka taalo, waxaana la sheegayaa markii uu tagay in xabsiga loo dhaadhiciyay.

Xariga wariyaha ayaa la sheegay inay sabab u aheyd ama loo heysto qoraal uu habeen ka hor ku daabacay bartiisa Facebook oo ku saabsan Imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Dhexe.