Warmurtiyeed la filayo in maant laga soo saaro shirka Madaxda Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalinkii Seddexaad ayaa waxaa galay shir u dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka harreeyay hanaanka doorashada.

Madaxda Soomaalida ayaa maanta la filayaa in warmurtiyeed ay ka soo saaraan shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa lagu wadaa in khudbado ay ka jeediyeen shirka, islamarkaana ay ku shaaciyaan in heshiis ay wada gaareen madaxda Soomalida

Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Kulamada Madaxdu waxa ay ku socdaan sidii Ra’isul Wasaaruhu u qorsheeyay oo ay ku jirto in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.