Waxaa shaki dhaliyey warqadda lagu casuumay wafdiga dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya shirka shidaalka Soomaaliya ee London, taasoo abuurtay su’aalo la xiriira dhanka anshaxa iyo cidda shirkaas awoodiisa leh.

Warqada casuumada kasoo baxday shirkada qaban qaabinaysa shirkaas ee Spectrum Geo Inc, oo ay heshay Ayaamaha media ayaa loo diray safaaradda UK ee Muqdisho, ayada oo waftiga Soomaaliya loogu codsanayo dal ku gal (Visas).

Dhanka kale, waxaa yaab leh in qoraalka ay shirkaddaas ku sheegtay inay ayada bixineyso oo ay mas’uul ka tahay qarashka ku baxaya safarka waftiga Soomaaliya, sida tikit-ka, hoteelka, gaadiika ay isticmaalaayaan inta ay London joogaan iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.

Badanaa madgacdo ama marna lama ogola in wafdi dal ka socda oo baxaya ama aadaya dal kale in qarashkiisa ay bixiso cid kale, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa dhibaato dhinaca sharciga ah. Xitaa waftigii sidaas sameeya ee dal ka socda, haddii lagu ogaado waxay ku waayeen xilalkooda ama waa la maxkamadeeya.

Sababta sidaas loo yiri ayaa ah “Qof kasta qofkii bixinaya qarashka safarkiisa ayaa maamula”, sidaas darteedna lama ogola.

Waxaa sidoo kale tan ay abuureysa shaki ku saabsan in shirkan aysan dowladda gacanta ku hayn balse ay marti ku tahay, islamarkaana shirkadda ay shirka mas’uul ka tahay dowladdana wixii xaraashka kasoo baxa ay wax ku leedahay.