GAALKACYO-AYAAMAHA-Wasaaradda amniga Galmudug ayaa ku guulaystay in si rasmi ah loola wareego guriga hooyooyinka oo gacanta ugu jirey muddo badan “Xerta wadaadkii Sheekh C/weli ee Gaalkacyo caanka ahaa balse la dilay.

Gurigan ayaa ah mid umadda Soomaaliyeed oo dhan ay taqaano, culimada Soomaaliyeed iyo Bulshada Gaalkacyo ku dhaqanna ay ka falceliyeen wixii lagu qaban jirey oo ahaa dhaqamo diinteenna ka soo horjeeda.

Gurigan ayaa noqonaya xaruntii koowaad ee lagu bilaabay hawlgallada guryaha danta guud looga saarayo shakhsiyaadka iyo kooxaha xoogga ku heysta.

Waxaa la qabanqaabinaya munaasabad ururka haweenka looga xilwareejin doono Xaruntaas oo baahi weyn ay u qabeen si shaqooyinka Haweenka gobolka Mudug muhiimka u ah iyo waajibaadka weyn ee u yaalla.