Wasaaradda Ganacsiga Oo Soo Bandhigtay Qorshe Cusub Ee Hormarinta Ganacsiga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkii maanta ee Wasaaradda oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa si weyn loogu falan-qeeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta Shirkadaha Ganacsiga iyo barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga Soomaaliya oo labadu ba maraaya heer gebo-gabo ah sidoo kale na wax weyn ka taraya horumarka iyo fududeynta Ganacsiga Soomaaliya. Waxa sidoo kale loogga hadlay is-af-garadka ganacsi ee wadamada Soomaaliya iyo Ugandha.

Barnaamijyadan oo hadda ku jira heer tijaabo ah, ayaa qorshahu yahay in dhawaan la daah-furo, waxaana ay Ganacsatada u sahli doonaan in iyaga oo jooga xafiisyaddooda shaqo ay soo dalban karaan daabacana karaan shatiyada Ganacsi ee shirkadahooda. Sidoo kale barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga, ayaa isagu na ah Website weyn oo lagu kaydinaayo guud ahaan xogaha la xidhiidha Ganacsiga oo ay ka faa’idi karaan Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha doonaya inay wadanka ka sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa boggaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay labada barnaamij, waxaana uu guddi gaar ah u saaray Is-af-garadka Ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda kuwaas oo ka soo talo-bixin doona heshiiska Ganacsi ee Soomaaliya la galayso dalka Uganda.