MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Xaafadda Jamhuuriyo ee Kaaraan, waxaana Mas’uulka toogtay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Dad goobta ka Agdhawaa ayaa ku warramay in daqiiqado kadib goobta falku uu ka dhacay ay soo saareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo qaaday Meydka Marxuumka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barhooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ninka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bariise, isla markaana uu ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda gaar ahaan qeybta Canshuuraha.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda oo ay uga hadlayaan dilkaas loo geystay Mas’uul la sheegay inuu ka tirsanaa Wasaarada Maaliyadda.