Muqdisho-(Ayaamaha)-Diiwaangelinta ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan ayaa ka socota magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaradiisa aysan xitaa nasasho aadin  maanta oo jimce ah ayna sii wadaan diiwaan gelinta ciidamada.

Wasiirka ayaa bartiisa facebook Qoraalkan soo dhigay”

Maanta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay ay sii wadeen diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed magaalada Muqdisho.

Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan ugu adeegno dalkeenna.

Hannaanka diiwaangelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaarada. Si wadajir ah, waa innaa ugu adeegaanaa dadkeena.