Muqdisho-Ayaamaha-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dib loogu noqonayo mashruucii horumarinta Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in mashrucaas qeylo dhaan farabadan ay ka timid,isla markaana dhamaan la isugu yeeri doono dhinacyada ay quseyso.

Sidoo kale waxaa uu Wasiir Beyle tilmaamay in Mashruuca dib u eegis lagu sameeyn doono, isla markaana dhamaan ay ka qeyb geli doonaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo cid kasta uu shaqo leh arrintaas.

Si kastaba Mashruuca oo shalay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda iyo Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, hayeeshee waxaa laga tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar.