Muqdisho-Ayaamaha-Xog ay heshay warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu Xafiiskiisa ugu yeeray Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Ra’iisal wasaaraha ayaa labadan Masuul waxaa uu doonayo inuu kala hadlay amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu Khadka Taleefanka kula hadlay Labadan mas’uul ayaa u sheegay in maanta oo taariikhda  ay ku beegan tahay 12-ka bisha December looga baahan yahay xafiiskiisa,islamarkaana la isla jaangoyn doono sidii loo sii dardar gelin lahaa amniga caasimadda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe hagaagsanaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka amniga iyo Duqa Muqdisho lagu canaanan doono sida uu ku dhacay weerarkii lagu qaaday Hotel SYL ee lagu gumaaday dad isugu jira askar iyo dad shacab ah,kuwaasi oo ay ku baxeen gacanta Al-Shabaab.

Wasiirka amniga ayaa lagu heystaa sababta iyadoo la xiray dhammaan wadooyinka Muqdisho ugu suurta gashay in rag hubeysan iyo gaadiid ay ku soo galaan Muqdisho kuna weeraraan xeyndaabka ugu horeeyo ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa habeenkii talaadada ahayd weerar culus ku qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.