Dhuusamareeb_Ayaamaha_Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Ujeedka wasiir Islow ayaa qeyb ka ah dadaallada la doonaayo in lagu xaliyo Ciidamo xalay ku dagaallamay Xarunta lagu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cidda Sugeysa Amnigeeda.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu ka qeyb gali doona Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo maalinta Berri ah ka furmi doona Magaalada Dhuusamareeb.