MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa goor dhow xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedlka Soomaaliyeed ee Puntland.

Allaha u naxariistee AUN Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagula taacalayey xaaladdiisa magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan xaalad caafimaad looga soo qaaday magaalada Garoowe oo uu kula dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Wasiirka deegaanka iyo Beeraha Maamulkaas.

Sidoo kale waxaa geeridiisa tacsi ka diray xubno ka tirsan Puntland oo uu ka tirsanaa xukuumadeeda.