Balcad-Ayaamaha-Qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle

Qaraxa ayaa ku geeriyooday Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Sh/Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan,kuwaasi oo ka baxay Degmada Balcad kuna sii jeeday Magaalada Jowhar.

Kolonyo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo Mas’uuliyiin kale lagula eegtay xili ay marayeen deegaanka oo ku yaalla inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Sidoo kale qaraxa ayaa ku dhintay Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka oo ka howlaa Degmada,isla markaana ahaa Nin Caan ka ahaa gudaha degmadas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Balcad iyo Ciidamda Dowlada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagona halkaas ka soo qaada Meydka Mas’uuliyiinta geeriyooday iyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.