Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wargeliyey inuu jiro kulankii guud ee golaha.

Kulanka ayaa Maanta waxaa Xildhibaanada ku hortegaya Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa horay u dalbaday wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar inay hor yimaadaan, si wax looga weydiiyo arrimo dhowr ah oo dalka ka dhacay dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiir Oomar ayaa la weydiin doona su’aallo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo xayiraadii la saaray Madaxweyneyaashii hore ee dalka.

Dhankale Wasiir Islow ayaa isna waxaa wax laga weydiin doonaa howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo arrimo kale oo la xiriira dhanka amniga Caasimada.