MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xalay ka dhacay Hotelka Doorbin ee magaalada Muqdisho shir xasaasi ah oo ay yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda beelaha Hawiye, iyadoo shirkan looga hadlay maqaamka Gobolka Banaadir iyo arrinta ku saabsan 7-da kursi ee laga siiyay Aqalka Sare, kaasoo la sheegay in lagu qeybsanayo nidaamka 4.5.

Shirkan oo ay goobjoog ahaayeen illaa afartameeyo isugu jira Xildhibaano iyo Senator, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Guddoomiye kuxigeenada Maaliyadda iyo Howlaha Guud.

Waxaa shirka ka dhex muuqday Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur, Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan, Wasiiru dowlaha Gaadiidka, Wasiir kuxigeenada Dekedaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Ilo wareedyo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in inta badan xubnihii kulanka ka hadlay ay isku mowqif ka ahaayeen qaddiyada Gobolka Banaadir, iyadoo wadajir la isugu raacay in wadajir loo raadiyo xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir.

Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa ka soo horjeestay 7-da kursi ee laga siiyay Gobolka Banaadir oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin oo ihaano ah, isla markaana dib loo celiyo 7-daas kursi, halka qaar kalena ay soo jeediyeen in 7-da kursi ay noqdaan kuwo Gobolka Banaadir kaliya u gaar ah oo aan lagu qeybin 4.5.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo senatarada goobta ka hadlay ayaa hadaladooda ahaa kuwo kulul, iyagoo soo jeediyay in marka hore laga shaqeeyo Maqaamka Gobolka Banaadir, isla markaana la qabto kulamo arrimahan lagu xoojinayo.

Waxaa kaloo xubnihii meesha ku kulmay ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan hadalkii ka soo yeeray Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Guddoomiyaha Guddigii wadajirka Baarlamaanka ee u xilsaarnaa dhameystirka xeerarka doorashada ee ka soo baxday in 7 kursi la siiyo Gobolka Banaadir.

Waa kulankii labaad oo Xildhibaannada, senatarada iyo wasiirada beelaha Hawiye ku yeeshaan Muqdisho, waxaana kulankii xalay uu ka duwanaa kulankii hore, marka loo eego xubnaha shirka ka dhex muuqday oo u badnaa kuwa aad ugu dhow laguna tiriyo dhanka Ra’iisul Wasaaraha.