GAALKACYO-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay wararka la xiriira dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha siiya Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannnada maamulkaas.

Fiqi ayaa sheegay in aysan jirin sabab keeni karta xiligaan in ganacsatada lacago awood ah ay ka qaadaan Al-Shabaab, maadaama aysan jirin waxyaabo ku qasbaya in ay bixiyaan lacagaha ay ka dalbadaan.

“Min Gaalkacyo illaa Dhuusamareeb, dhammaan degmooyinkaan waxaa gacanta ku haya Maamulka Galmudug, ma garan karo sabab keeni karta ama dan ku qasbeysa in si qasab ah ay lacago ku siiyaan Al-Shabaab, maadaama aysan goobo ganacsi oo kale aysan ku lahayn deegaannada Shabaab ay ku sugan yihiin” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiir Axmed Macalin ayaa sheegay in Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug in dhawaan uu u gudbinayo sharciga ka dhan ah taageerada waxa loogu yeero Argagixisada iyo ciqaabta ka dhalan karta ciddii lagu caddeeyo.

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug oo la hadlay VOA-da ayaa tilmamaay in Wajiga koowaad ee sugidda amniga in ay ku guuleysteen, kadib markii ay qaadeen jidgooyooyinkii ay dhigteen Maleeshiyaad hubeysan oo hadda la xareeyay.

Fiqi ayaa qayb ka ah isbadalkii uu horay u ballanqaaday in uu sameynayo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, isaga oo sheegay in xubno u qalma Wasaaradaha uu u dhiibi doono, waxaana kasoo liiska Wasiirada kasoo Muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.