Kulankan deg deg ah ee xalay yeesheen Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed general Bashiir Cabdi Maxamed ayaa looga hadlay dadkii marasta ahaa ee shalay lagu dilay duleedka magaalada muqdisho gaar ahaan deegaanka xaawo cabdi xili dadkaasi ay ku howlanaayeen ole-ole nadaafadeed.

Wasiir ISLOW ayaa lagu sheegay inuu ku amray Taliska Booliska soomaaliyeed in si deg deg ah loo soo qabto dadka ka dambeeyay falka ka dhacay deegaanka ee Xaawo Cabdi ee duleedka Moqdisho.

Taliyaha Hogaanka ilaalinta canshuuraha Bariga, Generaal Cabdullahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulankii xalay dhex maray wasiirka amniga iyo laamaha dalka.

Generaalka Bariise ayaa xusay in lagu  raad joogo dadka ka dambeeyay falkii ka dhacay Xaawo Cabdi, dhawaana Maxkamad la soo taagi doono.