Dhuusamareeb-Ayaamaha-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Wasiir Sabriye ayaa hada ku sugan Magaalada Muqdisho,isagoona dib uga soo laabtay Dhuusamareeb oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa,isla markaana ka soo qeyb qaatay Wadahadallo dhexmaray Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca iyo Xukuumadda Soomaaliya.

U jeedada wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in la filayaa in Maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga qabashada Shirka dib u heshiis

Soo dhaweynta qaban qaabada  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu weli ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona halkaasi uu u joogo dhimasha Maamulka Galmudug.