Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo soo gaartay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa goor dhoweyd soo gaartay Magaalada Caasimadda Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirad Raychelle Omamo kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka safarka Raychelle Omamo ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirrka diblomaasiyadeed ee dhexeeya labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka shacabka labada dal.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa si kala gaar gaar ula kulmi doonta, Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kale waxaa la filayaa inay sallaan ugu tagto Madaxweyne Farmaajo.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal kaayay imaanshaha Magaalada Muiqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo ujeedka rasmiga ilaa iyo hadda Xukuumadda Soomaaliya aysan fah faahin ka bixin.