Wasiirka Caafimaadka xukuumada Soomaaliya oo xilka la wareegay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey, Wasiirkii hore ee Caafimaadka, Marwo Foosiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Xaaji Aadan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiirkii hore, shaqooyinkii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabatay. Isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda culus.

Shalay iyo maanta ayey socotaa xil warwejinta wasiiradii hore oo xilka kula wareegayaan wasirada cusub ee xukuumada Ra’iisul wasaare Xamza, waxaana la rajaynaa inay socoto ilaa maalinta sabtida ee soo socota.