Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Jarmalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka oo ay ay wehelinayeen Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Horumarinta Iskaashiga, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka burcad badeedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka.