Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga  Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya faray in ay ilaaliyaan dhex dhexaadnimadooda sida ku cad Dastuurka JFS qodobkiisa 129-aad.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Cidna loo ogolaan karin in ay ciidamada u adeegsadaan danahooda siyaasadeed ayuu yiri” Wasiirka.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in” Waxaan ku jirnaa wakhti kala guur ah, waa in ciidamadu ilaaliyaan sharciga una hoggaansamaan xeerarka anshaxa ee Ciidamada Qalabka sida.

” Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waa in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasadda waana in aysan qaadan awaamiir walba oo hareer marsan sharciga”.

Warkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo beegmaya xilli labada dhinac ee isku haaya Siyaasadda Soomaaliya ay la kalq safan  yihiin Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.