Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada oo xilka la wareegay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka  cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee Wasaaradda , Duraan Axmed Faarax , ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda oo uu goobjoog u ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda , Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Xukuumadda , wasiir ku-xigeenno, wasiiru Dowlayaal , Xildhibaannada Labada gole ee Baarlamaan, howlwadeennada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr oo muhiim u Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay ka qabaneyso wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan” ayuu yiri Wasiirkii hore Duraan Faarax  oo inta ku daray “Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadkeeda qaranku u idmaday. ”

Wasiirka xilka la wareegay , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen  ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif  oo sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka iyo madaxweynaha.