Muqdisho-(Ayaamaha) Wasiirka Wasaaradda howlaha Gguud, dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow ayaa Maanta furay Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, gaar ahaan dhismaha Waddooyinka iskuxira Gobollada Dalka (Regional Corridors).

Shirkan oo socon doono Saddex Cisho, ayaa waxaa ka qayb galay ,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda howlaha guud, Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasiirrada howlaha guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax ka socotay Bangiga horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa dib u dhiska waddooyinka iskuxira Gobollada Dalka ee bur-buray iyo dhismaha Waddooyin cusub oo hor leh, taas oo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha Dalka iyo Isku socodka Bulshada.

Wasiirrada howlaha guud ee Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka ka qayb galay ayaa dhankooda soo dhoweeyey shirkan, waxanay yididiilo wanaagsan ka muujiyeen dedaallada ay waddo Wasaaradda howlaha guud ee Dalka Soomaaliya.