Muqdisho-Ayaamaha-Saalax Axmed Jaamac Wasiirka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Mudane  oo la hadlayay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo la xiriira arrimaha Dastuurka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadda waxa haray ay tahay kaliya in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad federaal ah oo Demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagama maarmaan ah in la dhamaytiro Dastuurka” ayuu yiri wasiirku.

Wasiir Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya ay noqoto dowlad hanaanka federaalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho.

Dastuurka dalka oo weli KMG ah ayaa waxaa jira caqabado bada oo hortaagan dhameystirkiisa, iyada oo ay dhiman tahay Aftidii guud ee dadweynaha.