Wasiirkii hore ee Maaliyadda Jubbaland oo xildhibaan loo doortay

KISMAAYO-AYAAMAHA-Waxaana goordhow Kismaayo lagu doortay kursigii labaad ee Golaha Shacabka ee degaan doorashasiisu tahay Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP 082 ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle uu ku guuleeystay kursiga.

Cabdirashiid Jire Qalinle wuxuu helay 75 cod Siyaad Aadan Iile oo la tartamay wuxuu helay 20 cod 4-cod, iyada oo la guda galay doorashada kursiga Saddexaas.