Muqdisho-(Ayaamaha)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Qaar kamid ah golaha wasiirada, Dhamman taliyaasha ciidamada uga sareeya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xubnaha looga yeeray baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo laga weydiin doonaa dhanka amaanka Magaalada iyo Muqdisho, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay wasiirada iyo taliyaasha ciidamada ay ka jawaabaan su’aalaha ay u qabaan xubnaha baarlamaanka, maadaama ay bilaabeen inay la xisaabtamaan dadka masuuliyadda amaanka saaran yahay.

Xubnaha loo yeeray ayaa waxay kala yihiin:-
1- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

2- Wasiirka gaashaandhiga Soomalaiya Xasan Cali Maxamed.

3- Agaasimaha Nabad Sugida Soomalaiya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

4- Taliyaha Xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe).

5- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed.

6- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac.

7- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dadaal adag u galay ajandaha baarlamaanka ee sabtida dhacaya sidii loogu soo dari lahaa arrimaha amaanka si wasiirada iyo laamaha amaanka wax kaga weydiiyaan.

Kulankii koowaad ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay buuq badan oo dhanka amaanka la xiriiray, waxaana kadib lagu dhawaaqay inuu baaqday kadib markii wasiirada xildhibaanada ay tagi waayeen baarlamaanka.