Beledweynw-Ayaamaha-Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta tegay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, si ay uga mid noqdaan mas’uuliyinta Baladweyne u tegay inay xaliyaan khilaafka Madaxweyne Waare iyo guddoomiyihii

Wafdigaan oo ka ambabaxay Magalada jowhar ayaa ku biiray wadahadallo ka socday Magalada Bladweyne oo uu hormuud ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble,kuwaas oo xal loogu raadinayay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magalkada Baladweyne.

Xubnahaan ayaa waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay  kulamo la qaataan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Xaalada Maglada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay aheyd mid degan, kadib rabshdo iyo xiisad ka taagneyd waayadaan.