Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Wasiirkii labaad oo katirsan Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu shalay soo magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi uu iska casilay.

Wasiirka labaad ee ku dhawaaqay is casilaada ayaa ah wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macalin shalay loo magacaabay xilkaas , waxa uuna xusay Wasiirka in aan lagala tashan magacaabista booskan wasiirnimo.

Waxa uu xusay in Wasiirka beesha uu kasoo jeedo aysan ku qanacsaneyn in ay ka hesho Wasaarada Deegaanka iyo Duur-joogta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Iscasilaadan ayaa noqonaysa kii labaad oo iska casila Wasiiradii uu shalay soo magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa xalay sidan oo kale isku casilay Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka maamulka Koonfur Galbeed .