Muqdisho-Ayaamaha-Dadka Soomaaliyeed ayaa mudooyin aad u badan isticmaalayay cunista Muufada waxay kamid tahay cuntooyinka laga sameeyo dalagyada ka soo baxa dhulka Soomaalida oo ay ugu horeyso Galaydu.

Xirfadlayaan xeeldheer oo Soomaaliyeed ayaa alifay habkan looga sameeyo Muufada Galayda, waxay marta heerer kala duwan galayda marka ugu horeysa waxa lagu dhaqaa biyo waxa loo gudbiyaa qeyb kamid ah mashiinka lagu jajabiyo galayda si loogu diyaariyo habka haadinta masafta gacanta si looga saaro baalka, mudo yar kadib waxa loo gudbiyaa qeybta labaad ee soo saarta cajiinka.

”Inta aan cunin ha cunto Muufada inta cuntay ha sii badsato,Muufada daawo ayaa ku jirta, waxa kaaga marag ah in ay daawo ku jirto Galayda maxay Kiinyaanku u cunaan sabuulka minaraal ayuu leeyahay ilkaha wuu adkeeyaa, ciridka waa kabaa” sidaas waxa sheegay Cali Cilmi Cali oo mudo kabadan 50 sanno cunayay Muufada.

Dadka Soomaalida ayaa inta badan isticmaalayay Muufada mudooyin badan, Muufada ayaa ah cuntada kaliya ee loo sameeyey hees kamid ah heesha Soomaalida, heestan ayaa ka bixi jirtay bari samaadkii Raadiyaha Muqdisho waxa kamid ahaa miraha heeshtan, ”Muufo macaanay Muufo,maraqa ku dhuuqaan doonayaa muufo.