MUQDISHO-AYAAMAHA-Kumanaan haween ah ayaa ka qeyb qaatay xasuuqii ka dhacay Rwanda sannadkii 1994-kii, balse waxaa dhif ah in la tebiyo kaalintii ay dumarku ka qaateen dagaalkaas, waxaana adag in qaarkood ay dib ula heshiiyaan qoysaskooda. Wariye Natalia Ojewska ayaa la hadashay qaar kamid ah haweenka tacaddiyadda geystay ee xabsiyada ku jira.

Fortunate Mukankuranga waxay gurigeeda uga baxday si ay u soo dhaansato biyo quraacda ku karsato, laakiin taas waxay isu baddashay inay fal dil ah geysato.

Mukankuranga oo xiran dharka maxaabiista, kuna hadleysa cod degan ayaa ka shakeyneysaa sida ay u xasuusato wixii dhacay maalintaas oo Axad ahayd, taariikhduna ay ku beegneyd 10-kii bishii April ee sannadkii 1994-kii.

Iyadoo waddada sii socota ayey la kulantay koox jidka bartankiisa ku jir dileysa labo nin.

“Labadii nin markii ay dhulka ku dhaceen, waxaan qaatay ul waxaan iri “Dadka ka tirsan qowmiyadda Tutsi waa inay dhintaan” kaddib waxaan garaacay labadii nin, waxaan kamid ahaa dadkii goobtaas dilka geystay,” ayay tiri haweeneydan oo 70 jir ah.

Ugaarsi dil ah

Dagaal 100 maalmood socday ayaa lagu dilay 800,000 qof oo ka tirsanaa qomiyadda Tutsi iyo dad kale oo loo arkay inay dhexdhexaad ka ahaayeen xaaladda oo ka tirsanaa qowmiyadda Hutu.

Dilkaas kaddib, Mukankuranga oo ka tirsaneyd qowmiyadda Hutu waxay dib ugu laabatay gurigeeda oo ay ku sugnaayeen toddobo carruur ah oo ay dhashay, waxayna dareemeysay ceeb.

Waxaa xigay inay mar walba ku qarawdo dilalkii ay geysatay.

“Waxaan ahay hooyo, waxaan laayay waliidiinta carruur badan,” ayay tiri Mukankuranga.

Labo maalmood uun kaddib, labo canug oo argagaxsan oo Tutsi ah, kuwaas oo waalidiintooda la gowracay ayaa albaabka gurigeeda soo garaacay si ay magangalyo uga helaan.

‘Waxay dareemeysay inay dambi geysatay’

Durbadiiba kama aysan labalabeynin inay carruurtii u timid gurigeeda ku qariso, halkaasoo ay uga badbaadeen xasuuqii socday.

“Inkasta oo aan badbaadiyay carruurtaas, waxaan ku guul darreystay badbaadinta labada nin, caawimaaddaas weligeed waxbo ka baddali doonto heerka uu gaarsiisan yahay dambiga aan dareemayo,” ayey tiri.

Mukankuranga waxay kamid tahay haween tiradoodu gaareyso 96,000 oo lagu helay dambiga ah inay ku lug lahaayeen xasuuqa, oo qaarkood ay laayeen dad da’ ah.

Qaarkood waxay laayeen carruur, qaarkoodna sida Mukankuranga ayey rag u dileen.

Galabnimadii 6-dii bishii April 1994-kii, waxaa caasimadda Kigali lagu soo riday diyaarad uu la socday madaxweynihii Rwanda ee ka tirsanaa qowmiyadda Hutu, Juvenal Habyarimana.

Inkasta oo aan weli la ogaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas, kooxaha mayalka adag ee ka tirsan Hutu-ga waxay ku eedeeyeen in diyaaradda ay soo rideen maleeshiyaad ka tirsan Tutsi-ga.

Saacado yar kaddib markii uu weerarkaas dhacay waxaa dagaalka kusoo biiray kumannaan ka tirsan qowmiyadda Hutu-ga oo ka careysan dilka madaxweynaha.

“Waxaa adag in la fahmo haweeney jecel carruurteeda sida ay ugu dhiirratay inay soo leyso carruur kale oo deris la ah,” waxaa sidaas tiri Regine Abanyuze, oo ka tirsan ha’yad aan dawli ahayn oo ka shaqeysa nabadda iyo dib u heshiisiinta.

BBC