MUQDISHO-AYAAMAHA-Sarkaal sare oo ka shaqeynayay aqalka cad ee dalka Mareykanka, markii dambena laga eryay shaqadii uu ka hayay ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casilay shaqada ciidanka Mareykanka oo uu ka tirsanaa.

Korneyl Alexander Vindman ayaa qareenkiisa waxaa uu sheegay in uu cagajugleyn, aargudasho iyo dhibaato uu kala kulmay madaxweyne Trump, kadib markii uu Vindman ku markhaati furay Trump xilligii ay socotay dacwadii la doonayay in xilka looga qaado.

Dhibaatooyin uu sheegay in uu la kulmay sarkaalkan ayuu horseeday in uu isaga tego shaqada ciidanka.

Korneylka ayaa walaac uu ka muujiyay wicitaankii taleefonka oo dhexmaray madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukraine waxaa ay keentay in dacwad xil ka qaadis ah lagu qaado Donald Trump.

Haseyeeshee aqalka sare ee Mareykanka oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa meesha ka saaray dacwaddii loo heystay.

Mar uu kasoo hor-muuqday aqalka wakiilada ee dalka Mareykanka ayaa Vindman waxaa uu sheegay in uu arkay arrin walaaceeda leh.

Wuxuu sheegay in uu maqlay wicitaan dhanka taleefonka oo dhexmaray Trump iyo madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, kaas oo uu sheegay in uu ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Markhaati furkaas ayaa keentay in Kongreska ay soo jeediyaan in xil ka qaadis lagu sameeyo Trump, arrintaas oo ay markii dambe ku gacan seyreen senetka.

Xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga ayaa ku andacooday in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka, waxayna ku eedeeyeen in uu ku badeshay dano siyaasadeed oo u gaar ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa xilligaa sheegay in uusan garaneynin, wax kulan ahna uusan dhexmarin isaga iyo vindman