BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano bacaadaha, isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in ay si buuxda ay iskaga caabiyay weerarkaasi, islamarkaana hadda ay degan tahay Xaaladda.

Ciidanka dowladda ayaa ku jawaabay rasaas culus, waxaana daryanka hubka labada dhinac laga maqlayay Magaalada Beledweyne.

Wali lama ogga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, mana jirto cid faahfaahin ka bixisay  sidda ay wax u dhaceen.