JOWHAR-AYAAMAHA-Wararka laga helayo Gegmada Balcad ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay soo weerareen bar koontorool oo Ciidamo ka tirsan Dowladda ka ilaaliyaan degmada.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Dagaalka uu muddo socday uu dhintay hal askari oo caanka ahaa Balcad oo magaciisa lagu soo koobay Kackac halka laba kalena ay dhaawacmeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday Muddo daqiiqo ah, islamarkaana ay maqlaaayeen rasaas labo dhinac ay iswaydaarsanaayeen.

Ciidamo gurmad ah ayaa u yimid ciidanka dowladda rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa wadada ka timaada dhanka afgooye oo howlgal ayaa ka socda.

Ciidanka Booliska ayaa howlgal ka wadda Xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, waxaana sidoo kale ay ku sugan yihiin Wadooyinka laga soo galo